XOG xasaasi ah: Yaa ka mas’uul ah fadeexadda Musuq-maasuqa shirkadda SOMA OIL and Gas ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-haynta Beesha Caalamka waxaa safka hore kaga jiray Saluugga laga qabo Dhowrsanaanta Dowladda Federalka Somalia ee Arrimaha Musuqa iyo Lunsashadda Dhaqaalaha lagu yabooho.

Qeylo-dhaan xooggan ayaana laga muujiyey, iyadoo Madaxda Qaranka lagu booriyey Dowlad-wanaag iyo in la xakameeyo Dhaqaalaha jeebka aan laa aqoonin lagu sii dhurayo.

Waa hubaal ah in aad looga hadlay gacan-bidixeynta iyo musuqa ay Dowladda ka hanaqaadi laa’dahay, waxaana ayaano-darro ah inay Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha ku shaqada leh Ilaaalinta Hantida Qaranka inay baylah ka dhigeen Bad-qabka iyo Dabagalka Hantida Ummadda.

Dowladda Federalka oo xilka la wareegtay saannadkii 2012-kii, waxay gacan bir ah ku qaban la’ yihiin Shaqsiyaadka xatooyadda ku haya Dhaqaalaha lagu yabooho, waxaana aad la isku weydiinayaa sababaha ay Dowladda Rasmiga uga gaabinayaan inay Madaxda wax is-daba marisa loo soo maxkamadeyn lahaa, looguna fulin lahaa xukunadda ay mudan yihiin.

Waddaniyiinta ayaa rumeysan in Dowladda Federalka looga baahan yahay inay Sharciyo adag ka soo saaraan Mas’uuliyiinta ku-takri fasha Dhaqaalaha lagu yabooho, isla markaana in Mas’uulkii lagu helo Xisaab Ma Leh a marsiiyo abaalka uu mudan yahay.

Sharci-yaqaanadda ayaa rumeysan inaysan Dowladda Federalka ku baraarugsanayn Xeelladaha ay qaar ka mid ah Madaxda Hay’adaha Dowladda Federalka ku boobaan Hantida Qaranka, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa Fadeexadda Mashruuca Shidaal-baarista Somalia ee ay Guddiga QM ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran dalalka Somalia iyo Eritrea shaaciyeen iyo barista uu Xafiiska Britain u qaabilsan La-dagaalanka Musuqa ee SFO ku hayaan Shirkadda Soma Gas and Oil ee laga leeyahay dalka Britain.

Guddiga Kormeerka QM ee Xayiraadda saaran dalalka Somalia iyo Eritrea waxay soo saareen Warbixin ku aadan inay Shirkadda Soma Gas and Oil in ka badanNus million oo Dollar siiyeen Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Batroolka ee Somalia.

Warbixinta waxaa si toos ah loogu gudbiyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, inkasta oo Wakaalladda Wararka ee REUTERS loo dusiyey Warbixinta oo dhamaystiran.

Guddiga diyaariyey Warbixinta oo ka kooban 8 Khabiir ayaa waxay dabagal ku sameeyeen Lacagaha ay Shirkadda Soma Oil and Gassida dadban u siisay Madax ka tirsan Wasaaardda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Xukuumadda Federalka.

Warbixinta oo ka kooban 28 bog ayaa waxaa tooshka lagu ifiyey Sir iyo Fadeexaad Qarsoonayd, maadaama ay Shirkadda Soma Gas and Oil hawl-fududeyn u bixiyeen Kharaj ka baadan 600,000 oo Dollaar.

Garyaqaankii La-taliye ahaa, isla markaana fududeeyey Heshiiska Soma Gas and Gas iyo Wasaaradda Batroolka Somalia kala saxiixdeen sannadkii 2013-kii ayaa waxaa jeebka loo geliyey lacag ku-dhaw 495,000 oo Dollar.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Shirkadda Soma Oil and Gas siiyeen Wasaaradda Batroolka ee Somalia lacag cadadeeda guud dhan tahay 490,000 Dollar muddo hal sanno ah.

Lacagahaasi ayaa waxaa badankooda lagu sheegay Mushaar, iyadoo ku-dhawaad 40,000 lagu sheegay in lagu iibinayo Qalab Xafiiseed.

Warbixinta Guddiga Kormeerka QM ee Xayiraadda Somalia iyo Eritrea waxaa kaloo lagu muujiyey in ay Shirkadda Soma Gas and Oil bishii December ee sannadkii hore siiyeen Wasaaradda Batroolkaa Somali 100,00 oo Dollar oo dheeraad ah si Xafiis lagu ururiyo Xogta looga dhisi lahaa magaalladda Muqdisho.

Warbixinta waxay intaasi ku dartay inaan la dhisin Xafiiskaasi, lana ogayn halka ay martay Lacagtii loogu talagalay Dhismahaasi.

Warbixinta Baarayaasha QM waxay kaloo lagu muujiyey inay jiraan ugu yaraan lix Sarkaal oo ka tirsan waasaaradda Batroolka oo uu mushaar ka qaadan jirtey Shirkadda Soma Oil and Gas.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Saraakiishaasi ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka. Farah Abdi Hassan iyo Ku-xigeenkiisa, Jabril Mohamoud Geeddi.

Si kastaba ha ahaatee, Yaa ka mas’uul ah Fadeexadda Shidaalka Somalia ma Shirkadda Soma Oil and Gas mise Wasaaaradda Batroolka…?

W/Q Max’ed Aadan Socdaal
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com