Warbixin cusub: Aqriso liiska magacyada gudiga doorashada madaxweynaha maamulka Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamanka KMG ah ee  Jubba ayaa maanta magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha mamaulkaasi oo la filayo in bartamaha bishan ka dhici doona magaalada Kismaayo, iyadoo guddigan uu qaban doono howsha adag ee doorashada iyo qabashada araajida musharixiinta.

Guddoomiyaha Baarlamanka Jubba Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay inay baarlamaanka isku raaeen inana waqti lagu kordhin  xilliga doorashada oo loo asteeyay oo ah 15-ka bishan August, 2015.

Magacyada guddiga doorashada  Jubba waxay kala yihiin:

  1. Xabiibo Maxamed Cabdulle            Guddoomiye
  2. Axmed C/xafiid Maxamed              Guddoomiye ku xigeen
  3. Xuseen Xirsi Axmed                         Xoghayn
  4. Cabdi Maxamed Cabdi                     Xubin
  5. Cismaan Xuseen Rooble                 Xubin
  6. Bashiir Axmed Cumar                     Xubin
  7. Xasan Xaaji Maxamuud                 Xubin
  8. Axmed Ismaaciil                              Xubin
  9. Cabbaas Cali Ibraahim                   Xubin

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in xilliga doorashada madaxweynaha Jubba la kordhin doono kadib kulan ay isugu yimaadaan baarlamaanka iyadoo la qorsheeyay inu Guddigan uu sidaasi codsado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com