Puntland oo digniin shan 5 qodob ah u dirtay DF

Garowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo laga soo saaray wasaarada macdanta iyo Shidaalka ee Puntland ayaa waxaa digniin shan qodob ka kooban loogu jeediyay wasaarada macdanta Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq.

Qoraalka ayaa u qornaa Sidan:

1 Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland, waxay uga digaysaa Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Muqdisho in la meel mariyo sharciga Shidaalka ee ay hordhigeen Golaha barlamaanka Dawladda Federalka Somaliyeed, bishan August 2deedi, 2015, sababaha soo socda dartood.

2 Sharcigaan oo si sharci darra ah loo soo qoray, ma waafaqsan Axdiga qarameedka hada jira. Dawladda Puntlandna ma aqbalidoonto sharcigaas maadama aan laguwadda heshiin, ay samaysay Wasaarad si sharcidaro ah ku dhisan, sharcigaas oo ay rabaan in ay ugu gudbiyaan Golaha Barlamaanka oo qaybtiisii kale ay weli maqantahay, iyo weliba, Dawladda iyo Barlamaanka oo aan arinka u haysan awood sharci oo ay sharci noocan ah ku sameeyaa.

3 Axdiga ku meelgaarka ah ee Jamhuriyadda Federalka Somaliyeed ee la sameeyey 2012kii ma siin Dawladda Jamhuuriyada Federalka Somaliyeed iyo Barlaamaanka Federalka Somaliyeed awood sharci oo ay ku sameeyaan shuruuc khusaysa arimaha khayraadkada dabiiciga ah, amaba shidaalka iyo macdanta Soomaaliya. Waxaa amuurtaasi ku cadahay Qodobada 45 iyo 55 ee Axdiga kumeel gaarka ah ee Jamhuriyada Federalka Somaliyeed.

4 Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland waxaa ay ogtahay in sharcigaan cusub ee qabyada ah ay dabada ka riixaayaan shirkado shisheeye, sida Soma Oil and Gas, iyo kuwo la halmaala oo doonaya in ay si xaaran ah ku qaataan heshiisyo cusub, amaba laysku dayo in lagu xalaaleeyo heshiisyadkii hore oo ay Dawladdu la gashay shirkada Soma Oil and gas oo iyadu lacag ay leedahay ku dhisatay Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Muqdisho. Shirkada Soma Oil and Gas oo si sharcidaro ku heshay heshiiska ay hada haysato ayaa waxaa lagu wadda baaris caalami ah, baaristaas oo khusaysa musuqmaasuq iyo laaluush.

5 Baaritaanka lagu wado shirkadda Soma Oil and Gas ayaa waxaa saldhig u ah in laaluush iyo hab musuqmaasuq ah lagu siiyey heshiiskaas iyo in kale. Sidaas darted, Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka waxaa ay Dawladda Federalka ah usoo jeedinaysa in ay ka baxdo heshiiska ay la wadaagto Shirkada Soma Oil maadaama shirkadaas uu ku socdo baaritaanka khusaya Laaluush.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com