Xog: Maxaad ka taqaanaa guddoomiyaha gudiga Doorashada Jubba Xabiibo Axmed? (Faaqidaad)

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubba ayaa maanta loo magacaabay  haweeney qurbe joog ah oo lagu magacaabo Xabiibi Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Baarlamaanka Jubba ee uu sharci darrada ka dhigay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xabiibo oo ku magac dheer Qureysa waxay isku heyb yihiin hogaamiye Axmed Madoobe, waxayna ka mid ahayd daka Axmed Madoobe  u ololeeya ee sida weyn dhinaca abaabulka ugu qaabilsan oo ay lasoo kifaaxday ilaa xiligii Jabhadnimada ee Raaskambooni oo ay tegi jirtay degaanada ku teedsan xuduudaha sida Diif iyo Dhoobley.

GudooQureesha Maxamed Cabdile waxay kasoo jeedaa degmada Afmadow ee gobolka ?hoose iyadoo weliba ku heyb ah Axmed Madoobe, waxayse u dhaxdaa oo saygeedu ka soo jeedaa beesha Hawiye, siiba Gaaljecel, taasoo awood dheeraad ah siineysa guddoomiyahan maanta laga magacaabay.

Waxay ka mid tahay ahayd qurbe joogta ka timid UK, iyadoo lagu tilmaamo shaqsiyaad ugu dhow hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe, Waxaa hore loogu qanciyay inaysan heli karin xil wasiirnimo oo maamulka Jubba ay ka raadineysay, laakiin bedelkeeda waxaa Axmed Madoobe ka dhigay xildhibaan.

Xabiiba Qureesha waxaa la arki doonaa sida guddigeedu u shaqeeyo iyo qaabka ay wax u guddoomiso iyadoo markii hore ay iska caddeyd inuu xilka mar labaad ku soo noqonayo Axmed Madoobe oo arrinta oo dhami ay tahay sida xilka ka sii dhamaanaya loogu xalaaleyn lahaa oo qura.

Isha goobjooge