MIDOWGA YURUB oo qaaday tallaabo culus oo walwal galisay maamulka Somaliland (Warbixin)!

Hargeysa (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa go’aan ku gaaray inay albaabada u laaban Xafiis macmal ah oo ay ku lahaayen Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Waxa ay shaqaalaha xafiiskooda ku wargaliyeen in xiligaani iyo wixii ka danbeeya ay fasaxyihiin, kadib markii wajiyo cusub ay kala kulmeen Maamulka Somaliland.

Xirista xafiiska ayaa lagu micneeyay inay sabab u tahay xiriirka kala dhexeeya Maamulka Somaliland oo sii liidanaaya, waxaana la soo warinayaa in Hargeysa ay kala bixi doonaan shaqaalaha cadaanka ah ee Xafiiska uga magacawnaa.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Madaxtooyada Maamulka Somaliland ay warqad dhowr bilood ka hor u dirtay xarunta Midowga Yurub ee wadanka Beljamka oo ay Somaliland ku dacwaysay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Dowlada Somalia iyo Maamulka Somalia Danjire Michele CervoneDurso oo la ogyahay sidii adkayd ee uu uga horyimid muddo kordhintii ay golaha guurtidu u samaysay Madaxweyne Siilaanyo.

Taasi ayaa lagu micneeyay inuu xumaado Xiriirka Somaliland iyo Sargaalkan Midowga Yurub u qaabilsan Deegaanada Maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaate xiritaanka xafiiskan Midowga Yurub ee Hargeysa ayaa noqonaya markii u horaysay ee albaabada loo laabo, waxaana xiritaankiisu dhaawac Siyaasadeed u gaysan doonaa Shacabka ku hoos nool Maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com