Gudoonka baarlamanka Somalia oo wada qorshe aan looga baran oo ka duwan kuwii ka horeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin Xubno saraakiil ah oo ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda, ayaa waxa ay ballanqaadyo hormarineed u sameeyen Gudoonka sare ee BF Somalia.

Saraakiisha ka socday Hay’adda oo kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah Gudoonka Sare ee BF Somalia, ayaa waxa ay u ballanqaaden in Mashaariic hormarineed u sameynayaan Baarlamaanka Somalia.

Wafdiga iyo Xubnahaasi ayaa si gaar ah uga wada arrinsaday waxqabadka Baarlamaanka iyo howlaha horyaal, waxa ayna Xubnaha matalaayay BF wafdigaasi Saraakiisha ah ka dalbadeen inay ka caawiyaan qorshooyinka lagu doonaayo in lagu balaariyo Xafiisyada BF ee Gobolada dalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga wadahadlay sida loo dardargalin lahaa hawlaha shaqo ee baarlamaanka oo mudada u hartay baarlamaanka ee 9-ka bilood ah, waxaana hawlaha ka mid ah sidii baarlamaanka uu xafiisyo uga furan lahaa gobolada dalka.

UNDP ayaa taageero u fidisa baarlamaanka Somalia, waxaana ka mid ah tababarada, diyaarinta sharciyada iyo waliba xagga mushaaraadka.

Talaabadaani lagu ballaarinaayo Xarumaha BF ayaa noqoneysa tii ugu horeysay, markii la barbar dhigo Baarlamaanadii dalka soo maray, waxaana suuragal ah in Xarumahaasi laga furo Gobolada Koonfur galbeed iyo Galmudug, bacdamaa Gobolada kale uusan xiriir wanaagsan kala dhexeyn DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com