Fiqi oo sheegay arrin dhabar jab ku ah Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka hadlay dhibaatada ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dilkii dadka isku qoyska ahaa.

Isagoo la hadlayay VOA ayuu sheegay in wax laga xumaado tahay dhibaatada ciidamada AMISOM marar badan ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay in ciidamada AMISOM aysan aheyn qorsha joogitaanka Soomaaaliya iney dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Wuxuu soo hadal qaaday qaabka lagula xisaabtami karo ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Marko, isagoo sheegay in muhiimada koowaad tahay in la xiro dadka taliyaasha u ah iyo kuwa ku eedeysan dilkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Marko.

Sidoo kale wasiirkii hore ee gaashaandhiga ayaa soo jeediyay in maxkamad meletari la saaro saraakiisha ciidamada haddii dambiga ay galeen lagu hello, sida uu sheegay.

“Marnaba joogitaankoda kuma jirto iney dad laayaan, waxaan soo jeedin lahaa in la xiraa saraakiisha ku lug yeelata dilalka lana soo saaraa maxkamad meletari”ayuu yiri C.xakiin Xaaji.

Dilalka soo laalaabtay ee ka dhaca magaalada Marko ayuu sheegay iney sabab u tahay dowlada Soomaaliya oo aan la xisaabtamin ciidamada AMISOM sida loo toogto loolana xisaabtamo askariga Soomaaliyeed marka uu dilo qof shacab ah ama askari kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com