Daawo Sawirrada: Peter de Clercq iyo wafdi uu hogaaminayey oo kadis ku booqday BOOSAASO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso gaaray wafdi heer sare oo uu hogaaminaayay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, Peter de Clercq iyo xubno ka tirsan xafiiska.

Wafdiga ayaa u kuurgalay xaalada xarumaha qaxootiga kasoo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman, waxa ayna cagta mariyeen inta badan qololka ay ku noolyihiin dadkaasi iyo goobaha caafimaadka ee ku dhexyaalla xarunta.

Mr Peter de Clercq ayaa inta uu kormeerka ku guda jiray kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta xeryaha qaxootiga maamula, waxa uuna warbixino ka dhageystay Mas’uuliyiintaasi si waxbadan looga ogaado xaalada dhabta ah ee xerada.

Peter de Clercq ayaa sidoo kale booqday dekedda Magaalada Bosaaso oo bilihii la soo dhaafay ay ka soo dagayeen Qaxooti aad u badan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kale oo u dhashay Yemen.
2

1

7

6

5

3

4