Cabdi Jiinoow vs Afrax: Jiinoow… “Cabdi Fataax ma gaari karo go’aanka goobta shirka”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa si kulul kaga hadlay hadalkii kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Fataax Xasan Afrxa ee ahaa in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe lagu qabanayo magaalada Beledweyne.

Mr Jiinow ayaa sheegay in shirka maamulka loogu sameyayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe loo baahan yahay in lagala tashado dadka kaso jeeda labada gobol oo cid gaar ah aysan go’aan iska qaadan.

“Dadka ka soo jeeda Gobollada ayaa la rabaa in lagala tashto aayaha Maamulka, ee ma ahan in dad gooni ah lagala tashado qaabka maamulka lagu dhisayo iyo meesha gogosha lagu dhigayo, aad ayaa uga xumaha in Guddoomiyaha uu yiraahdo, isagoo tixraac ka dhiganaya Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaa la go’aamiyay shirka in lagu qabto Beledweyn”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Gudoomiyihii Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale sheegay in goobta lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameynayo labada gobol ay go’aan ka gaari karaan dadka kasoo jeeda labada gobol oo dad gaar ah aysan go’aanka qaadan karin.

“Goobta lagu qabanayo shirka Guddoomiye C/Fataax iyo Cali Guudlaawe, iyo cid kale iyaga ma go’aamin karaan ee dadka ayaa go’aan ka gaaraya, dowladda iyo cid kasta waxaa uga digayaa in shirkaas la fara geliyo, waxayna keeni kartaa fashil”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com