Xildhibaan Sadiiq Warfaa xil-wasaaradeed maheli doonaa dhimashadii wasiir Xoosh kabacdi?

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Xil.Sadiiq Warfaa wuxuu ka mid ahaa dadkii gobolka Minnesota, ee cariga Mareeykanka katagay, iyagoo xil-doon ah. Waxeey qaraabo ahaayeen marxuum ex-wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,  oo loo yaqaanay: Cabdi Xoosh,  balse waxeey ku kala duwanaayeen dhanka aqoonta, khibrada, iyo waliba  aftahannimo.

Xilligii MD Xasan Sheekh waqtigiisa sii dhamaanayey, ee kuraaska xubnaha baarlamaanka lootartamayey, ayaa madaxweeynaha, oo ay aad isugu kacsanaayeen Cabdi Xoosh (AUN), ayaa wuxuu dhaqaale iyo awood siyaasadeedba kubixiyey, inuusan kursiga xildhibaannimo kusoo noqon Cabdi Xoosh, si arintaasi uhirgashana, wuxuu Sadiiq Warfaa faraqa ugu wadashubay, lacag lagu sheegay: $250,000, si uu Xildhibaan ugu noqdo, lacagtaa oo aheyd hantidii ummada, ee shaqaalihii doowlada iyo ciidankaba 8-bilood ka gaajeeysnaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu, kala hadlay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo markaa hogaaminayey maamulka Puntland, si uu wax ugu farsameeyo, una soosaaro Sadiiq.Warfaa. Dabcan waxaa la ogaa miisaanka iyo magaca Cabdi Xoosh (AUN).

Sida uu Cabdi Xoosh Facebook-giisa kusooqoray xilligaa, maalintii natiijada doorashada, booskaa xildhibaannimo looga dhawaaqay Puntland inuu Sadiiq Warfaa kusoobaxay, ayaa Cabdi Xoosh (AUN), wuxuu Facebook-giisa kusooqoray, in loosheegay in doorashada dib loodhigay, maalin heblaayana dhicidoonto, nasiibdarose doorashadii xilligii lagu ballamay, xilli aan aheyn ayaa laqabtay, qaab kushubasho ahna loogu dhawaaqay In Sadiiq Warfaa kusoobaxay.(Fiiri qoraalkiisii Facebook-ga).

Cabdi Xoosh wuxuu ka dharagsanaaa, in Madaxweeynaha dalka awoodii dhaqaale, iyo tii siyaasadeedba isugu geeyey inuusan soobixin. Nasiibdaro! Waxaaa kasii hiiliyey Dr.Cabdiweli Gaas. Ugu dambeyn wuxuu yiri xalaal-Caleyk, wuuna isaga sabray kursigaa laga bililiqeystay. Waxaa taa mid la mid ah lagu sameeyey Xil. Cabdullaahi Goodax Barre, oo eey sidaa si la mid ah MD Xasan Sheekh isku kacsanaayeen, balse wuxuu taageero ka heeystey Ugaaskiisa, madaxweynihii horee Hirshabeellana:  Cali Cabdullaahi Cosoble, wuu  iska diiday inuu ka hiiliyo.

Akhristoow waxaa lagaaray xilligii doorashada Madaxweeynenimada. Sadiiq Warfaa wuxuu kamid ahaa xildhibaannadii MD Xasan Sheekh kuraaska xildhibaannimo ugu boobay hantidii ummada, sidaa daraadeed wuu ka hiiliyey mudane Farmaajo, wuxuuna sida lasheegay codkiisii siiyey MD Xasan Sheekh. Nasiibwanaag! Waxaa madaxtinimadii dalka kusoobaxay mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Islamarkii uu Sadiiq Warfaa xaqiiqsaday in Madaxweyne Xasan Sheekh laga guuleestay, wuxuu go’aansaday inuu sugto, raysalwasaaraha uu madaxweeyne Farmaajo soomagacaabi doono, maadaama  raysalwasaaruhu soo dhisidoono golaha wasiirada, badanaana xildhibaanada kuraas badan ka helaan. Markii raysalwasaare mudane Xasan Cali Kheeyre lamagacaabay, sikasta iyo waxkasta wuu usameeyey Sadiiq Warfaa, si golaha wasiirada loogudaro,oo xitaa looga dhigo Wasiir-kuxigeen. Raysalwasaaraha oo tixgalinayey aqoonta sare, khibrada, kartida iyo hoowshii uu kasooqabtay arimaha dastuurka dalka, ayaa Cabdi Xoosh (AUN), oo eey qaraabo ahaayeen, umagacaabay wasiirkii dastuurka.

Sadiiq Warfaa maalintaa waxeey u aheyd, maalin naxdin weyn, oo murugo badan. Wuuna ogaa inta Cabdi Xoosh noolyahay, siyaasadana kujiro, inuu xilka reerka kusoo aada markasta ka mudnaanayo, oo uu qaadanayo.

Wuxuu markale dagay qorshe ah bal inuu aado dhanka Nabad iyo Nolol, gaar ahaan raysalwasaare Kheeyre, markuu fursad uhelana idaacadaha iyo TV-yadana ka amaano, si lacalla hadii xilka lagaqaado Cabdi Xoosh (AUN), uu xilka wasiirnimee tolka isaga uhelo. Siduu raysalwasaare Kheeyre isugu sahayey, wuxuu uguyaraan kuguuleystay, in dhowr safar uu raysalwaasaaraha hore usiiraaco, laakiin dhanka xilka wasiirnimo waxaa wali noolaa wasiir Cabdi Xoosh, wadashaqeyn wacanina kala dhaxeeysey raysalwasaare Kheyre, golaha wasiirada, iyo guud ahaan dhamaan xubnaha dowlada.

GABAGABO IYO GUNAAD

Su’aashu waxeey tahay raysalwasaare Kheeyre ma wxuu umagacaabidoonaa wasaaradaa uusan laheyn aqoonteeda, khibradeeda, iyo waliba kartideeda intaba? Mise shaqsi uqalma ayuu kubadalidoonaa booskii uu ka dhintay marxuum Cabdi Xoosh Allaha unaxariistee? Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)
Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.

abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid