Xildhibaan shaaciyay in Al-Shabaab ay $2 milyan ku bixisay xilka qaadista Jayte

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidlhibaan Maxamed Cabduqaadir oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana kasoo jeedo Hiiraan ayaa ayaa si adag uga hadlay xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii gobolkaas, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Xildhibaanka ayaa si weyn ug soo horjeestay xilka qaadista uu guddoomiyaha gobolka Hiiraan ku sameeyay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen.

Maxamed Cabduqaadir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan lacag laba milyan oo dollar ah ay ku bixisay kooxda Al-Shabaab, si meesha looga saaro Cali Jayte.

“Warqadii ugu qaalisaneed ee soo baxday qarniga 21aad laguna gatay inta illaaa iyo hada aan ognahay 2 million oo dollar ee ay argagixisadu bixisay si looga hor wareejiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan” ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri xildhibaanku,

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in horay ay kooxda lacag dhan hal milyan oo dollar madaxiisa u dul dhigtay Cali Jayte Cismaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Cali Jeyte waxuu noqday qofkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ay dilkiisa argagixisadu ku bixisay qarash dhan 1 Million Dollar , Marki ay u suurageli waaysayna ku bixisay 2 Million Xil ka qaadistiisa” ayuu sii raaciyay xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.

Dhanka kale, xiisad ka dhalatay xilka qaadista Cali Jayte ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne, oo ay ka billowdeen dibad-baxyo ka dhan ah HirShabelle.

Ciidamo hubeysan ayaa sidoo kale lagu arkayaa waddooyinka qaar ee magaaladaasi, taas oo uga sii dareyso xaaladda ka taagan gudaha magaaladaasi.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.

Dhowaan Cali Jayte ayaa sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.