32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xildhibaan shaaciyey go’aanka labada Kutladood ee golaha wasiirada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Kudladood ee Baarlamaanka Somaliya oo gelinkii dambe ee shalay lagu waday inay go’aan mideysan ka soo saaraan magacaabidda Golaha Wasiirada, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dib u dhac uu ku yimid.

Laakiin Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen oo ka tirsan mid ka mid ah labada Kudladood ee Baarlamaanka, ayaa wuxuu si adag u sheegay inaanay codka kalsoonida siin doonin Golaha Wasiirada cusub, sida uu yiri.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu sababtu ku sheegay in aanu Ra’iisal Wasaaruhu wax wada tashi ah kala yeelan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, magacaabidda Wasiirada.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisal Wasaaruhu ku eedeeyay in uu balanta ku furay, ka dib markii uu kaga baxay heshiis ay horey u wada gaareen, oo uu ku sheegay inuu soo dhisi doono Gole Wasiiro oo loo dhan yahay, sida uu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in Kudladaha Baarlamaanku ay doonayaan in la soo dhiso Xukuumad dadka u gargaari karta, laguna keenay wada tashi. Waxa uu ku goodiyay inaanu Baarlamaanku aqbali doonin buu yiri waxaan dalka iyo dadka u cuntamaynin.

Mar la weydiiyay waxa ay ku diidayaan Golaha Wasiirada cusub, haddii ayba soo dhaweysay Beesha Caalamka, ayaa wuxuu sheegay inaanu Baarlamaanku u shaqaynin Beesha Caalamka, isla-markaana uu Caalamku wato danahiisa gaarka ah, iyagana ay u adeeggaan shacbiga Somaliyeed, sida uu yiri.

Kudladaha ay ku mideysan yihiin inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Kudlada Toosinta Tallada Qaranka iyo Kudlada Badbaado Qaran

Kudladaha Baarlamaanka, ayaa waxay kulamo gaar gaar ah ay kaga soconayeen Magaalada Muqdisho, iyagoona isla jeex jeexaaya go’aan mideysan, oo ay ka yeeshaan Wasiirada la magacaabay Talaadadii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News