32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“Baaritaan ayaan ku heynaa silaca ay Nabad-sugidda ku heyso maxaabiista”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa daboolka ka qaaday in Hay’adda Nabad Suggida ay xad-gudubyo u geysato maxaabiista.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa wuxuu xaqiijiyay in maxaabiista qaarkood jirdil lagula kaco Xarumaha Nabad Suggidu ku lee dahay Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

Waxa uu soo hadalqaaday in maxaabiista qaarkood loo kaxeysto guryo gaar ah, oo Saraakiisha Nabad Suggidu ku lee yihiin Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay xad-gudubyo ugu geystaan.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa carabka ku adkeeyay in xad-gudubyada ka dhanka ah maxaabiista, ay ku hawlan yihiin sidii ay wax kaga qaban lahaayeen.

Hadalkaan, ayaa wuxuu ka sheegay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal, xilli uu ka qayb qaadanaayay Barnaamijka Dood Wadaag.

Maanta, ayay ahayd markii Hay’adda Human Rights Watch ay sheegtay in Hay’adda Nabad Suggida, ay geysato xad-gudubyo ka dhan ah aadanaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News