28.7 C
Mogadishu
Saturday, December 13, 2025

Xog: BF ma ansixin doonaa wasiirada, maxaase looga tagay wasaarado qaar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 31/1/2015 ay mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ee codka kalsoonida u qaadi doonaan golaha wasiirada ee uu mar labaad soo dhisay R/W Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Golaha wasiirada cusub ayaa waxaa ku jira xubno lagu xasuusto waxqabad muuqdo mudadii ay hayeen shaqooyinkoodi hore lamana saadaalin karo go’aanka uu baarlamanka ka gaari doono maalinta Sabti ah

Golaha wasiirada cusub ayaa kooban 20 wasiir oo kaliya iyada oo ay dhiman yahiin wasiiro ku xiigeenada, wasiiro dowlayaasha iyo wasaarada dalka ugu muhiimsan ee amniga taas oo siyaabo badan loo fasirtay macnaha laga lee yahay dib u dhigisteyda

Xildhibaanada qaar ayaa ku macneeyay sababta dib loogu dhigay wasiiro ku xigeenada in ay tahay in iyaga lagula gorgortamo si ay marka hore u ansixiyaan 20-ka wasiir, xildhibaan kastane loo ballan qaado in laga dhigayo wasiir ku xigeen ama wasiir dowle maadama xildhibaanada mucaaradsan in la meel mariyo golaha wasiirada ay yihiin kuwa iska waayay liiska golaha wasiirada

Kutlooyinka ay ku midooben Mudanayaal Baarlamaanka ka tirsan oo danwadaag ah ayaa noqotay caqabad hor leh oo soo food saartay howlo farabadan oo u taalay dowladda Soomaaliya maadama 275-ta xildhibaan ee uu ka koobanyahay BFS mid kaste uu doonayo wasiir ama wasiir ku xigeen taas oo aan sinaba ku suurta gali Karin

Hadaba Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaraha ayaa u muuqdo kuwa ka soo baxay shuruudi ugu adkeyd ay ku xireen kutlooyinka baarlamanka ee aheyd in aysan dib usoo noqon 4 wasiir oo lagu tiriyo in ay aad ugu dhawyahiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

W/Q Liban Osman Abdullahi
Wariye badax Banaan kana faaloda Arimaha Soomaaliya
Email:- [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News