Xildhibaan sharci darro ku tilmaamay go’aankii Madasha

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa ka hor yimid go’aanadii kasoo baxay shirkii madaxda madasha wadatashiga qaran ee Soomaaliya oo shalay Muqdisho lagu soo idleeyay.

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaaday ayaa si kulul uga hadlay shirkii Muqdisho kusoo dhamaaday, wuxuuna cadaalad daro ku sheegay go’aanada ay soo saareen madaxda madasha.

“cadaalad baan rabnaa Soomaalinimaan rabnaa, waxaan u joognay halkan taas weeye. Laakiin labo arrimood oo ii muuqata hadda dowlo laguma dhisi karo ku mana dhismeyso; Kow qabyaalad aan cadaalad ku jirin oo la sameeyo iyo sharci darro dal la yiraahdo waa lagu maamulayaa, labadaa arrimood baa ii muuqda oo midna dowlad aan lagu noqon kareyn”ayuu yiri xildhibaan Cabdi Xaashi.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in diidmada iyo cadaalad darada ay muujinayaan ineysan ku wajahneyn shacabka ku nool deegaanada koofurta Soomaaliya balse ay ka tabanayaan madaxda madasha wadatashiga.

Go’aankii shalay kasoo baxay madaxda madasha wadatashiga Qaran ayaa waxaa kasoo horjeestay odayaal dhaqameed kasoo jeeda deeganada waqooyi ee Soomaaliya, maadaama sida ay sheegeen ay kamid ahaayeen 135 oday dhaqameed ee baarlamaanka soo xulaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com