Xog: CC iyo Xasan oo mashruuc $260 milyan ah siiyey Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa saxiixay heshiis ku kacaya 260 milyan oo dollar oo ciidanka Soomaaliya dib loogu dhisayo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Heshiiska oo ka dhacay dalka Ethiopia bishii tagtay, ayaa waxaa ku lug leh dowladaha Mareykanka, Britain iyo Imaaraadka, oo bixinaya lacagta dib loogu qalabeenayo ciidamada Soomaaliya.

Hase yeeshee, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa saddexdan dal u sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in dowladda Ethiopia ay fuliso mashruuca dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taasi oo laga aqbalay.

Sida ay leedahay xogta Caasimada Online, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu arrintan ka warhayo, islamarkaana uu wax ka og yahay.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in uu jiro heshiis dhex maray ra’iisul wasaare Cumar iyo dowladda Ethiopia, ayada oo ra’iisul wasaaraha iyo Xasan Sheekh ay qaadan doonaan 10% lacagta oo Ethiopia ay usoo celin doonto sababo la xiriira mashruuca ay u ogolaadeen.

Waxaa tani macanaheedu yahay in labadan mas’uul ay qaadan doonaan 26 milyan oo dollar, halka inta kalena ay qaadan doonto Ethiopia, islamarkaana uusan jiri doono wax ciidan ah oo dib loo dhisayo.

Arrintan ayaa waxaa ka war-helay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo ku hanjabay inuu beesha caalamka u gudbin doono qorshaha ay lacagta ku dhacayaan Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cumar.

Jawaari ayaa waxaa iminka cadaadis ku haya Xasan iyo Cumar oo u ballan qaaday shan boqol oo kun oo dollar, si uusan arrintan uga hadlin, waxaana lagu warramayaa inuu diidan yahay oo uu dalbanayo lacag intan ka badan maadaama labadooda ay kala qaadanayaan 26 milyan.

Lacagtan badankeed ayaa la sheegay in Xasan iyo Cumar ay ku galayaan doorashada Soomaaliya.

Waa astaan kale oo muujineysa ayaan darrada haysata Soomaaliya oo madaxdii dalka ay sidan u iibsanayaan mustaqbalkeeda, haddana doonayaan in mar kale dib loo soo doorto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com