Xog cusub: Ugaarsiga xaasaska horjoogayaal caan ah oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Ciraaqa ayaa baahisay in maleeshiyaad aan heebtooda la garaneynin ay afduubteen 25 dumar ka tirsan Kooxda Daacish.

Warbaahinta ayaa tabisay in Afduubkaani uu ka dhacay magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, waxaana la sheegay in dumarkaani ay kasoo kala jeedan dhowr dal oo kala duwan.

Qaar kamid ah dumarkaani ayaa u dhixi jiray Saraakiil ka tirsan Kooxda Daacish kuwaasi oo inta badan la shaqeyn jiray ragooda.

Dumarkaani ayaa u badan kuwo kasoo jeeda dalalka Ciraaq, Libya, Yaman iyo Syria, waxa ayna gabaad ka dhigan jireen inay yihiin kuwo u dhaxa rag shibil ah oo aan ka tirsaneyn dowlada ciraaq iyo Kooxaha kasoo horjeeda nabadda.

Lix kamid ah dumarkaasi ayaa ku baxay gacanta Kooxaha afduubka u geystay, kadib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan.

Dumarkaani ayaa la rumeysan yahay inay afduubteen ciidamada dowlada Ciraaq hayeeshee dowlada ayaa iska fogeysay waxa ayna sheegtay in afduubka uu yahay mid ay geysteen Kooxo ugaarsada Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ciraaq ayaa carab dhufatay in suuragal ay tahay in dumarkaasi ay la shaqeyn jireen ragooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com