Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu aasay xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Aaska Xildhibaanka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo maanta Muqdisho ka duuliyay meydka Xildhibaanka oo Muqdisho ku geeriyooday maalin ka hor.
Gudi gaar ah oo loo xilsaaray aaska xildhibaanka kana mid ah maamulka koofur Galbeed ayaa sidoo kale ku sugnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana maanta lagu aasay magaaladaasi.
Wasiirka Gancsiga xukuumadii C/weli Mr Saransoor iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka ayaa qeyb ka ahaa wafdiga ka tagay magaalada Muqdisho si ay aaska kaga qeyb galaan.
Xubnihii aaska xildhibaanka ka qeyb galay ayaa tacsi u diray dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaanka, waxaana ay ka sheekeeyeen taariiq xildhibaanka.
Ugu dambeyn waxaa soo idlaaday aaska xildhibaanka, waxaana xildhibaanka lagu tilmaamay mid ay wada xasuusan doonaan xildhibaanada baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]