Xildhibaan Zakariya Xaaji oo kashifay qorshayaal halis ku ah qaranimada oo ay ka diideen Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariya Xaaji Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha socdaalka Dooxa ku wehlinaaya Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay qorshooyinka ay Dowlada Imaaraadka carabta ku dooneysay inay ku faragaliso howlaha Dowlada.

Xildhibaan Zakariya Xaaji, oo si gaara ugu waramaayay Wargeyska Asharaq ee ka soo baxa dalka Qdar, ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay is hortaagtay qorshaha uu Imaaraadka ku doonaayay inuu ku maamulo Dhammaan ciidamada iyo Xerooyinkooda.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye sheegay inay dowladda Imaaraadka Carabta ku xadgudubtay shaqooyinka gaarka ah ee dowlada Somalia, sidaa aawgeed aysan suuragal aheyn in dowlada ay muujiso dulqaad intaa ka badan.

‘’Isfahan’waaga waxa uu soo bilowday goortii uu Imaaraadka isku dayay inuu la wareego maamulka Ciidamada iyo Xerooyinkooda, waxaanu ka dowlad ahaan isla fahanay inaan diidno rabitaanka Imaaraadka eek u aadan maamulida ciidamada iyo xerooyinkooda’’.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye sheegay in dowlada Imaaraadka qudheeda aysan ka raali noqoneynin in Dowlada Somalia ay maamusho ciidamada iyo xerooyinkeeda, sidaa aawgeed aysan dooneynin in Imaaraadka uu Somalia ka maamulo taago sharci daro ah.

Xildhibaan Zakariya Xaaji Cabdi, ayaa wax laga weydiiyay xiriirka Somalia iyo Qadar, waxa uuna sheegay in iminka uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana la doonaayo inuu kasii wanaagsanaado halka uu hadda joogo.

Xiriirka Somalia kala dhexeeya Qadar ayuu sheegay inuu yahay mid soo jireen ah oo aan shalay bilaaban, sidaa aawgeed ay Somalia xiligaan maslaxad u aragto inay adkeyso xiriirka.

Sidoo kale, Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in Dowlada Somalia aysan ka raali noqon doonin in lagu faragaliyo howlaheeda, waxa uuna cadeeyay inay soo dhaweyneyso Dowlada dal waliba oo aan dooneynin faragalin.

Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqda mid muujinaaya in Dowlada Somalia ay u go’day dalka Qadar oo xiriir kala dhexeeyo, halka ay horay u sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay khilaafyada Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com