Xildhibaan Zakariye oo cadeeyay asbaabaha BFS ku khasbay Mooshinka ka dhanka ah Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ka danbeysay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay gudbiyaan Mooshin ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanka oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Mooshinka Imaaraadka uu ahaa in mar hore la gudbiyo, balse ay aad uga raageen.

Waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay in ay fara gelin cad ku heyso arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, balse uu isaga aaminsan yahay in Imaaraadka uu u dhaqmo si ka awood badan dowladaha kale isla markaana is laheysiiyay Somalia.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye cadeeyay in falal ay u arkeen in ay yihiin qalad uu ku dhaqmay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Othman Al Hammadi.

Waxa uu intaa raaciyay in aysan ka warqabin in Dowladdiisa ay ogtahay iyo in kale, ayna doonayaan in wax la wanaajiyo, lana xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal, maadaama arrimo badan ay wadaagaan.

Xildhibaan Zakariye oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Mooshinka uu ku qoran yahay eedeymo badan oo ay u jeedinayaan Imaaraadka, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin in Ciidamo ay iska qoroto iyo in shacabka ay si toos ah ula xiriirto IWM.

Sidoo kale, Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha la xiriira Saaxadda Siyaasadda Soomaaliya, kadib go’aankii dhexdhexaadnimada Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka ka taagan.

Dhinaca kale, Imaaraadka ayaa faragalinta Siyaasada Somalia u adeegsata Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo qaarkood Saldhig ka dhigtay magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com