Sudan oo laga saaray Liiska dalalka aan dadkooda loo ogoleyn inay u safraan Maraykanka & Wadamo cusub oo lagu daray Liiska (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen qaar kamid ah wargeysyada Caalamka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale saxiixey sharci cusub oo dhigaya dalalka aan loo ogoleyn in muwaadiniintoodu u safraan Maraykanka.

Wargeysyadu waxa ay sheegen in Donald Trump uu kordhiyay liiska dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucay inay u safraan Mareykanka, isla markaana wadamadii hore ee lixda ahaa laga saarey dalka Sudan.

Booska laga saaray Sudan ayaa waxaa lagu buuxiyay dalka Jaad ee Galbeedka Afrika, halka liiska wadamada muwaadiniintooda laga mamnuucay u safrida Mareykanka lagu biiriyay wadamo ay kamid yihiin Venezuela iyo Kuuriyada Waqooyi, taas oo tirada guud ka dhigeysa 8 dal.

Sharcigii hore ee muranka badan dhaliyey ayaa khuseeyey lix dal oo Soomaaliya kamid tahay kuwaas oo dhamaantood ahaa dalalka Muslimiinta.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxa uu hadda ku soo darey laba dal oo aan kamid ahayn kuwa Muslimiinta sida Venezuela oo dhibaato dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka taagan tahay iyo Kuuriyada Waqooyi oo xiisad adagi ay ak dhex taagan tahay iyaga iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxa uu qoraalkiisa ku qeexay in Venezuela iyo Kuuriyada Waqooyi ay la mid yihiin dalalka horay loogu daray liiska oo ay kamid yihiin Yaman, Liibiya, Soomaaliya, Siiriya, Iran, Jaad.

Dhinaca kale, Donald Trump ayaa dalka Mareykanka u abuuray colaad Siyaasadeed, halka Madaxweynayaashii ka horeeyay ay aad u kasban jireen dalalka dhaca qaarada Madow ee Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com