Xildhibaanad oo loo sheegay saddex arrin oo waajib ku ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta hadal ka jeediyey Teendhada Afisyoone oo ay ka socoto hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyey xildhibaanada cusub.

Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in saddex arrimood ay waajib ku tahay xildhibaan kasta oo lasoo doortay, isla-markaana ay tahay inuu ilaaliyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanada laga rabo inay ku dhaqmaan Dastuurka, inay u adeegaan dadweynaha soo doortay iyo mid saddexaad oo ah damiirkooda qof ahaaneed.

“Xildhibaan kasta waxaa waajib ku ah saddex arrimood oo inuu uu hoggaansamo ay tahay, mida koowaad waxaa weeye waa Dastuurka, tan labaadna waxaa weeye dadweynaha soo doortay, tan saddexaadna waxaa weeye damiirkiisa qof ahaaneeyd” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanada u diray fariin la xiriira doorashada madaxweynaha, isaga oo ka dalbaday inay doortaan qof bad-baadin dalka.

“Sidaa daraadeed baarlamaankeena waxaan leeyahay in xubnaha innoo soo jeedinayo fikirkooda inaynu dhageysanaa waa waajib, kadib waxaa weeye qof weliba waa damiirkiisa inuu ku doorto qofka uu isleeyahay dalka wuu bad-baadinayaa,” ayuu hadalka sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo 15-ka bishaan May xildhibaanada labada Gole ay dooran doonaan madaxweynaha hoggaamin doono dowladda 4 sano ee soo socota.