Xildhibaanada Aqalka Sare oo go’aan cad ka qaadan doona Shirkada DP Worlad & Farmaajo oo laga sugaayo inuu saxiixo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta oo talaabo ah uu magaalada Muqdisho ka furmo Kalfadhiga 3aad kulankiisa koobaad ee Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamanka Somalia.

Kulanka maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr ajande waxaana ugu weyn Xeerka dhowridda Gobonimada iyo Madaxbanaanida Geyiga Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka Aqalka sare ee Somalia ayaa doodooda xooga ku saari doona qodobka Gobonimada iyo Madaxbanaanida Somalia, waxa ayna go’aan ka gaari doonaan xeerkii dalka looga mamnuucayay DP World .

Kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel mariyeen islamarkana dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Dood badan ka dib ayaa mudanayaasha Aqalka sare laga sugaya in ay ansixiyaan si  markaasi uu u saxixo Madxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, Xubnaha Aqalka sare ayaa daba gal ku sameyndoona weerarkii bishii December ee sanadkii 2017-kii lagu qaaday guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com