Madasha Talo-Wadaag oo soo saartay Warmurtiyeed ku saabsan Xaaladda dalku jiro

Muqdisho (Caasmadda Online) – Golaha Fulinta Madatasha Talo-wadaag oo shir isugu yimid kuna falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ayaa ka soo saaray warmurtiyeedkan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay Talo Wadaag

Tr.(02/MTW/2018)                                                    

Warmurtiyeed

Xaaladda dalku jiro

(Muqdisho: 13/03/2018)  Golaha Fulinta Madatasha Talo-wadaag oo shir isugu yimid kuna falanqeeyay xaaladda siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho ee dalka ayaa ka soo saaray warmurtiyeedkan.

  • Madasha Talo-wadaag oo u taagan sareynta sharciga, ilaalinta dastuurka qaranka iyo hanashada umadda soomaaliyeed ee horumar la taaban karo waxay u aragtaa in faragalinta dalalka shisheeye ku hayaan umadda soomaaliyeed aan la aqbali karın taasoo ay ka mid tahay heshiisyada sharci darrada ah ee la saxiixay iyadoon loo marin dariiqii saxda ahaa.
  • Madashu waxay bogaadinaysaa soona dhawaynaysaa goaankii taariikhiga ahaa ee uu gaadhay baarlamaanka federaalka soomaaliyeed ee cinwaankiisu ahaa gobanimada iyo geyiga soomaaliyed.
  • Madashu waxay soo dhawaynaysaa waxkasta oo ku saabsan horumarka dalka iyo dadka soomaaliyeed.
  • Madashu waxay ugu baaqaysaa Madaxda qaranka oo ugu horreeyo madaxwaynuhu in la hirgaliyo goaankii ay qaateen barlamaanku, xukuumadana lagula xisaabtamo meelmeerinta goaankaasi.
  • Madashu waxay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan in ay u istaagaan ilaalinta Qaranimada Soomaaliya, si taas loo xaqiijiyana waa in laga shaqeeyo dib heshiisiinta iyo isku duubnaanta shacabkaa soomaaliyeed.
  • Madashu waxay ku boorinaysaa dhamaan dadka soomaaliyeed in wixii khilaafaad ah ee jira dhexdooda lagu xalliyo wada-hadal iyo isfaham.

Dhamaad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com