Cabdi Qeybdiid oo Kashifay sababtii Ciidamada Imaaraadku tababarray u weeraray Gurigiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa qarxiyey weerarkii lagu qaaday Gurigiisa ee ay ka dambeeyeen ciidamada uu tababarray Imaaraadka ee Muqdisho, wuxuuna dalbaday in baaritaanka kiiskaasi loo soo bandhigo shacabka.

Isagoo ka hadlayay goor dhoweyd fadhiga aqalka sare ee Baarlamaanka oo iminka ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gurigiisa loo weerarray tuhun ah inuu ku jiray ninkii ka danbeeyay weerarkii 14-ka Oktoobar ee Isgoyska Soope.

“Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka gurigeyga waa in lala wadaagaa baarlamaanka iyo shacabka..” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo dhinaca kale sheegay in 60 maalmood kadib weerarkii lagu qaaday gurigiisa aan wax tallaabo ah laga qaadin dadkii ka damnbeeyay weerarkaasi.

Cabdi Qeybdiid oo warbixinta weerarkii lagu qaaday Gurigiisa 30-kii Disembar 2017 ka jeediyay Aqalka sare ayaa Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isla markaana lasoo bandhigo baaritaankii lagu sameeyay weerarka.

Kulanka koowaad ee kalfadhiga 3aad ee Aqalka sare ayaa maanta ka furmay magaalada Muqidsho iyadoo looga hadlo weerarkii lagu qaaday guriga Senator Qeybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com