Xog: Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wadahadlay heshiiska Dekadda Berbera iyo hal arrin oo la isku fahmay

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Adis ababa ayaa sheegaya in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wadahadleen muranka ka taagan heshiiska dekadda Berbera ee ay Itoobiya ka mid noqotay saamileyda dekaddaasi.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xiriir toos ah la sameeyay dhigiisa dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu iyagoo ka wadahadlay xaalada dekadda Berbera iyo heshiiska ay Itoobiya ay qeybta ka noqotay ee ka dhacay dalka Imaaradka Carabta.

Xogta ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay u gudbisay cabasho ku saabsan heshiiskaasi oo dowladda Itoobiya ay si sharci darro ah uga mid noqtay, heshiiskaasina uu xadgudub ku yahay qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa la sheegay inay arrintaasi u aragtay mid ganacsi oo aan shaqo ku lahayn wax siyaasad ah, isla markaana waxay balanqaad ku siisay dowladda Soomaaliya inay ku taagan tahay qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Lama oga inay dowladda Soomaaliya ku qanacday faahfaahinta dowladda Itoobiya ka bixisay heshiiska dekadda Berbera oo ay saami dhan 19% ku yeelatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com