Akhriso mid kamid ah waraaqihii ay Soomaaliya lacagaha deeqaha ah ugu aruurin jirtay dowladaha Carabta 1975

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay mid kamid ah waraaqihii ay dowladda Soomaaliya lacagaha ugu aruurin jirtay dowladaha Carabta 1975 kuwaas oo xilligaas ku jiray xaalado aad u adag.

Waraaqdaan ayaa ah mid lacag looga qaaday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Caamiye.

Sida ku cad waraaqda muwaadinkaan ayaa laga qaaday lacag gaareyso ilaa 20 Shilin oo Soomaali ah.

Sababta looga qaaday ayaa ah sida waraaqda ka muuqato deeq loo aruurinayo Dowladaha Carabta.

Muwaadinka lacagta laga qaaday ayaa daganaa Ceerigaabo  oo ka tirsan Gobolka Sanaag waxaana waraaqdaan ku saxiixan Abshir Shiikh Xasan oo ahaa qasnajigii Gobolka Sanaag u qaabilsanaa Ceel Jaalle.

Dowladda Soomaaliya ayaa deeqo lacageed u aruurin jiray dowladaha Carabta kuwaas oo xilligaas ku jiray abaar iyo Gaajo aad u daran, waxaana hadda muuqato inay adduunyada is badashay maadaama ay dowladaha Carabta ka shaqeenayaan sidii loo burburin lahaa dalka Soomaaliya halka ay Soomaaliya 1975-tii ka shaqeeneysay sidii dowladaha Carabta loo badbaadin lahaa.

Dowladaha Carabta oo ay ugu horeyso dowladda Imaaraadka Carabta ayaa faragelin ku heyso madax banaanida Soomaaliya waxayna iska hor keeneysaa Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe kadib heshiisyo aan sharci aheyn oo ay kula wareegeyso Dekaddo ku yaalo Gobolada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqdaas:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com