Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo maanta dooranaya madaxweyne

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabeele ayaa maanta dooranaya madaxweynaha maamulka HirShabeele iyo ku xigeenkiisa.

Doorashada ayaa gelinka dambe ee maanta la filayaa iney ka dhacdo magaalada Jowhar, waxaana xildhibaanada la balamiyay salaada Duhur kadib.

Afhayeenka baarlamaanka maamulka HirShabeele ayaa xalay ku dhawaaqay in maanta doorashada ay ka dhaceyso magaalada Jowhar, lana dooran doono madaxweynaha maamulka iyo ku xigeenkiisa.

Xilka madaxweyne ku xigeenka waxaa u taagan seddex madaxweyne oo kala ah Cali Cabdulaahi Cosoble, Maxamed Cabdi Caraale iyo Waare.

Xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa u taagan labo musharax oo kala ah Cali Guudlaawe iyo Mr Taakow oo muddo shirka uu u xayirnaa.

Doorashada madaxweynaha ayaa noqon doono labo wareeg halka doorashada madxweyne ku xigeenka ay noqon doonto hal wareeg.

Shirka maamulka loogu sameynayo HirShabeele ayaa qaatay muddo badan, balse bilihii ugu dambeeyay waxaa ku howlahaa urur goboleedka IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com