Xog: Ahlu-Suna oo ku dhacday boholihii uu u qoday Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa wiiqday miisaan Siyaasadeedka Kooxda Ahlusuna ee dalka Somalia.

Dowlada Somalia oo qaabab kala duwan u fashilineysa in Ahlusunna ay xubno ka helaan Aqalka Sare ayaa wiiqday awoodii suuragalin laheyd in Kooxda ay kasoo dhexmuuqato Kuraasta Aqalka Sare.

Xildhibaan Khallif Macallin Nuur iyo Xildhibaan C/samad Macallim oo xilalkaasi ku helay awood qeybsiga ay Ahlusuna ku laheyd Dowladii Kumeel-gaarka ayaa waxa ay guul darro kala kulmeen Tartankii Musharixiinta Galmudug ee Kuraasta Aqalka Sare ee BF.

Xubnahaani ka goos heysta Ahlusunna ayaa waxaa booska Aqalka Sare ka laalay laba Haween ah kuwaasi oo lagu kala magacaabo Zamzam Daahir Maxamuud iyo Jawaahir Axmed Cilmi.

Mid kamid ah Labadaani Haween ayaa ka tirsan Xisbiga Xassan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan qeybta ay ka go’do tallada Xisbiga waxaana fangareeyay Madxaweyne Xassan Sheekh, halka Haweeneyda lagu magacaabo Jawaahir Axmed Cilmi ay Siyaasad ahaan isku dhow yihiin Madaxweynaha dalka.

Dowlada Somalia oo aan Siyaasad ahaan taageersaneyn Ahlusunna ayaa iminka ku taameysa in Kuraasta kale ee soo socta ay ka sifeyso dhammaan Xubnaha kale ee Siyaasada kasoo galay dhanka Ahlusunna.

Siyaasada qarsoodiga ah oo ay DFS la dheeleyso Ahlusunna ayaa suuragalin karta in meesha ay ka baxdo awood Siyaasadeedka Ahlusunna oo iminka kuraas muuqda ku dhex leh Dowlada.

Labada Xildhibaan oo ay DFS siriq Siyaasadeedka u dhigtay ayaa waxaa kala dhalay culimo caan ka dhex ahaa Somalia kuwaasi oo gacanta ku heyn jiray Talada Ahlusunna.

Xildhibaan C/samad Macallim Maxamuud ayaa waxaa dhalay Hoggaamiyihii weynaa ee Ahlusunadda G/Dhexe, Marxuum Macallim Maxamuud Sheekh Faarax, halka Xildhibaan Khaliif C/qaadir Macallim Nuur uu ka dhalay Macallim Nuur Maxamed Siyaad oo labaduba caan ka ahaa Somalia kana mid ahaa Culimada ugu caansanaa Ahlusunna.

Talaabadaani fashilka ah ee soo foodsaartay Ahlusunna ayaa waxa ay dhabaha u xaareysaa in xubno ka tirsan Kooxda laga dhex waayo Saaxada Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com