Xildhibaanada baarlamanka oo berri la isugu yeeray kulan ay afar ajende horyaallaan

Muqdisho Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa berri yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyey ee kalfadhigaan koowaad, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay golaha.

Golaha ayaa Khamiista berri kulankooda uga hadli doona afar ajende oo xiritaanka kaldhiga koowaad uu ku jiro, kuwaas oo kala ah:

1 – Dhageysiga Warbixinta dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool.
2 – U codeynta labo Habdhawre ku-Xigeen oo magacaaban.
3 – Doorashada xubnaha Guddiga kor-joogteynta dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.
4 – Iyo Xiritaanka kalfadhigaan 1-aad ee Golaha shacabka – BFS.

Fariintaan ayaa loo diray xildhibaanada golaha shacabka, kulankaan kii ka horeeyey oo dhacay Axadii lasoo dhaafay waxaa lagu doortay guddoonada 14 guddi oo loo kala qeybiyey xildhibaanada.

Sidoo kale kulankaas waxaa lagu dhaariyey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee dalka oo xubin aan dhicin ka noqonaya golaha shacabka, in kastoo ay jireen isku dayo guul dareystay oo ay sameeyeen xildhibaano uu hor ka cayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dood adag geliyey xubinimada Farmaajo ee baarlamaanka.