Xasan Sheekh oo u safraya Puntland iyo qorshaha socda

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan u safraya magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay shaaciyeen Puntland iyo dowladda federaalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse iyo wafdi uu hogaaminayo oo hordhac u ah safarka uu Madaxweynuhu ku tegayo deegaanada Puntland ayaa maanta gaaray Garowe.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo maanta saxaafada la hadlay ayaa wadajir u shaaciyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu maalmaha soo socda Puntland tegi doono.

“Wasiir soo dhowaada, madaxweynaha iyo imaashihiisa waan iska wareysa doonaa, si xor ah ugu soo dhowaada Puntland, una dhex jooga insha allah,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad.

Dhankiisa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri, “Madaxda Puntland waan uga mahad naqayaa soo dhaweyntaan diirran, waxaan u imid oo aan hordhac u ahay safar uu madaxweyne Xasan Sheekh ku imaa doono deegaanada Puntland.”

Wasiirka ayaa sidoo kale Puntland aad ugu amaanay sida ay ugu diyaar garoobeyso marti gelinta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, “Qaban qaabada socota iyo safarka uu madaxweynuhu ku imaanayo fadhi ayaan isaga wareysa doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waa markii ugu horeysay ee Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse uu Puntland ku laabto tan iyo markii loo magacaabay xilkaan, sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayey markiisii ugu horeysay u noqoneysaa ee Puntland uu u safro tan iyo markii dib loo soo doortay.

Madaxweynaha ayaa hoggaan Puntland kala soo hadli doona wadashaqeynta uu doonayo inuu la yeesho maamul goboleedyada dalka, waxaana xusid mudan Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ay ka dhex jirto xurguf hoose oo ka dhalatay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya iyo xulashadii Ra’iisul wasaaraha.