30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xildhibaanada BF oo ka jawaabay go’aanka Xasan + olole billowday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor yimid xeerka madaxweyne Xasan Sheekh saaka soo saaray ee uu kula wareegay awoodii Baarlamaanka isagoo ansixiyay heshiiskii Madasha Qaran ee qaabka doorashada.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay madaxweynaha Soomaaliya ku riixday go’aan khaldan inuu qaato, wuxuuna caddeeyay in tallaabada madaxweynaha ay tahay sharci darro.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo aad uga careysan xeerka uu soo saaray Xasan Sheekh ayaa kulamo gaara uga bilowday, waxaana jirta xiisad xoog leh iyadoo Baarlamaanka intiisa badan ay diidan yihiin xeerka Madaxweyne.

Waxaa laga cabsi qabaa in khilaaf cusub ka dhex bilowdo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo xaalada kala guurka ah ay ku dhamaato herdan siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News