Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi goordhow lagu dilay Afar ruux oo dhalinyaro ahaa.
Dilka oo ahaa mid dareen galiyay dadka deegaanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa Aano qabiil.
Dilka laba ruux oo wada socday ayaa waxaa fuliyay nin la sheegay inuu ku hubeysnaa qori nooca loo yaqaan A47, isaga oo dilka kadib halkaasi isaga baxsaday.
Labadaani ruux ee leysku kor dilay ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ahaayen qaraabo aad isugu dhow.
Dilka Seddexaad ayaa waxaa fulisay laba ruux kuwaasi oo usoo hub qaatay fulinta dil aargoosi ah.
Sidoo kale, Ruuxa afaraad ayey dabley hubeysan waxay ku dishay afaafka hore ee Magaalada Caabudwaaq.
Dilkan wax xiriir ihi lama lahan saddexda nin ee lagu dilay gudaha Caabudwaaq.
Ma jirto cid loo qabtay dilalkaasi goordhow ka dhacay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

