25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xog cusub oo dagaalkii ka socday Beledweyn laga helay caawa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay xaalada magaalada Beledweyne oo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaalo ka dhacayeen kuwaasi oo u dhaxeeyay maleeshiyaad wada daga magaalada Beledweyne.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney aad kaga xumaadeen maalmihii lasoo dhaafay dagaaladii ka dhacayay magaalada, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.

Gudoomiye ku xigeenka wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku guuleysatay iney kala qaato dhinacyadii maalmahaan dagaalamayay, isagoo sheegay in biyaha fatahay ay saameyn ku yeesheen in colaada si dhaqso ah lagu joojiyo.

Sheikh Xuseen Cismaan Cali ayaa intaasi ku daray in xaalada magaalada haatan ay tahay mid degen islamarkaana la kala dhex galay dhinacyada maalmahaan dagaalamayay.

Gaadiidka ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la arkayay iyada oo dadweyne badan ka bixinaya biyaha ku fatahay xaafadaha magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News