30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Qarax iyo weerar lala beegsaday maanta garoonka diyaaradaha…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa waxa uu ka dhacay Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kaasi oo uu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa Garoonka ku weeraray maleeshiyaad ku hubeysnaa qoryaha fudud iyo Bam gacmeedyo.

Qaraxa ayaa waxaa xaqiijiyay Saraakiil ka tirsan howlwadeenada Garoonka magaalada Jowhar waxaana ku dhintay Qaraxa ilaa Afar askari, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Seddex kale oo kamid ahaa Ciidamada maamulka.

Ciidamada ammaanka Magaalada Jowhar ayaa howlgallo baaritaanno ah ka sameeyay Xaafadaha Magaaladaasi kuwaas oo aan la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay.

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa marti gelineysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegtay mas’uuliyada Qaraxaasi khasaaraha kala duwan uu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News