26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Villa Somalia oo suuq ganacsi isu bedeshay (Maxaa ka socda?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegata in Madaxtooyada Somalia ay iibineyso qaar kamid ah Gaadiidka aan xabadu karin ee deeqda lagu siiyay.

Gaadiidkaani oo ay bixiyeen Dowladah saaxiibada la ah Somalia, ayaa waxaa xiligaani kala guurka ah loo isticmaalayaa qaabab khaldan, waxaana jira xogo muujinaaya in ilaa Sideed gaari si qarsoodi ah looga iibinaayo Ganacsato.

Gaadiidkaani iyo kuwo kasii badan oo ku jira Garaashka keydka gaadiidka ee Villa Somalia, ayaa waxaa inta badan ka macaasha rag uu kamid yahay Agaasimaha Madaxtooyada iyo Xubno la socda Madaxweynaha oo ay aad isugu dhowyihiin.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Gaadiidka qaarkood laga iibiyay mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Somalia kuwaasi oo galaangal ku dhexleh Madaxtooyada.

Madaxda Dowlada ayaa waxaa dhaqan u ah in xiliyada kala guurka ah ay booban Hantida Qaranka, iyaga oo shaki ka muujiya in mar danbe aysan kusoo laaban doonin xilka ay hayaan.

Dhibta ugu badan ee heysata Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegaa isla xisaabtan la’aan iyadoo madaxda ugu sareysa dalka ay xil ka qaadis ugu goodiyaan shaqsiyaadka xilalka la xisaabtanka u hayo.

Ma aha markii ugu horeysay oo gaadiid loogu tallo galay in loo qeybiyo madaxda Dowlada loo isticmaalo qaabab qaldan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News