Xildhibaanada BF oo loo digay kadib arrintii shalay dhacday

Muqdisho  (Caasimada Online) – Waxaa shalay baaqday kulan ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasi oo ajendihiisu ahaa aqrinta xeer hoosaadka ay isku maamulayaan mudanayaasha.

Kulanka ayaa wuxuu u baaqday kooram la’aan, maadama aysan xarunta Golaha aysan soo xaadirin inta badan Xildhibaanada, taasi oo keentay in xarunta ay iskaga kala dareeran Mudaneyaashii tirada yara ee soo xaadiray fadhiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo arrintaas aad uga xumaaday ayaa u digay Xildhibaanada fasax la’aan kaga maqan kulamada iyo shaqooyinka culus ee horyaalla Baarlamaanka.

“Xildhibaanada maqan waxaa ugu baaqeyna inay soo xaadiran jaanis yar ayaa siineyna. Xildhibaan kasta oo waa in uu maqnaan kulanka dambe haddii aysan jirin duruuf gaar ah oo loo garaabayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in kulanka dambe laga dhigay 12-ka bishaan, isaga oo faray Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo dalka dibediisa ku maqan inay sida ugu dhaqsaha badan u soo gaaran magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaanada soo xaadiray shalay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in kulamada baarlamaanka ay u baaqdan kooram la’aan, ayna tahay in laga waantoobo oo la dhowro ballamaha.

Sida qorshuhu ahaa kulankani ayaa waxaa looga hadli lahaa “akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka” sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka shalay ayaa waxa kale oo qayb ka ahaa dhaarinta laba ka mid ah Xildhibaannada cusub, sida lagu shaaciyey fariin wargelin ah oo loo diray xildhibaanada.

Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqo badan oo u baahan in la dargar-geliyo iyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco, balse kulankan ayaa ahaa midkoodii ugu horreeyey marka la eego kadib doorashooyinkoo soo dhamaaday ee dalka.