Xildhibaanada difaacaya Jawaari oo hadal quus u muuqda uu kasoo yeeray

Muqdisho waxaa maanta ku kulmay koox xildhibaano ah oo sheegtay iney dhex dhexaad ka yihiin is qab qabsiga Baarlamanka Somalia.Kooxdan oo la baxday Badbaadada Baarlamanka, waxey dhaleeceysay warsaxaafadeedkii uu shalay soo saaray gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamanka C/wali Ibraahin Shiikh Muudey.

Waa tuma kooxdan?
———————————
Xildhibaanadan oo 30 xubnood gaaraya waxaa hor boodaya Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore ee Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib, waa qeyb ka mid ah kooxdii itaal jabtay ee Qabyo oo hada ay fursad uga dhex caraftay khilaafka Baarlamanka.

Xogogaalnimadu waxey sheegeysa in Ragga maanta kulmay ay yihiin dhamaantood xildhibaanada uu ku dagaal galaayo Prof Jawaari , waxey dhagta ugu sheegeen iney difaaci doonaan.

Shalay labbo qoraal ayaa kasoo kala baxday labadda gudooniye kuxigeen ee Baarlamanka oo dabcan u muuqday weerar iyo difaac.

Markii aad maqasho koox dhex dhexaad ah oo hadleysa waxaad sugeysa iney labadda darafba qaladkooda u sheegaan ama ay baaq u diraan , laakiin taasi ma dhicin, xildhibaanada maanta Muqdisho ku shiray waxey weerar aan loo meel dayin ku qaadeen gudoomiye kuxigeenka koowaad Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudey, waxa qura ee durba kugu soo dhacay waa iney yihiin garabka Jawaari.

Dadka aadka ula socda loolanka ka dhex jira Baarlamanka waxey sheegayaan inuusan jirin xildhibaan dhex dhexaad ah oo Muqdisho ku sugan.

Maxaa ku qasbay iney is qariyan ?
—————————————-
Ilo xogogaal ah waxey sheegayaan inuu jiro culees xoogan oo soo fuulay xildhibaanada difaacaya gudoomiye Jawaari, markii laga watay ku dhowaad 50 xubnood oo ay rag fir fircoon ku jireen.

Maalmo ka hor, xildhibaanada taageersan gudoomiyaha hogaamintiisa muranka la galiyay, waxey ku doodayeen waqti haloo qabto xiliga codeynta iyo halasoo dedejiyo, hadda waxaa Muudey lagu heystaa maxaa waqti ugu qabatay xiliga codeynta, halkaas waxaa ka cad sida uu yahay xaalka gudoomiye Jawaari iyo kooxdiisa.

Ujeeddada Maxamed Cumar Carte.
———————————–
Maxamed Cumar Carte Qaalib wuxuu ku jiray dagaal nuuc walbo ah tan iyo markii uu ku hungoobay damiciisii ahaa inuu markale noqdo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Somalia.

Dadka aadka ula socda siyaasadiisa ayaa sheegaya inuu isku duwanaayo tiro xildhibaano ah oo u badan kuwa Waqooyi, si uu gor gortan ula galo madaxda Villa Somalia, hadafkiisa ugu weyn waa inuu markale noqdo Ra’iisul wasaare kuxigeen.

Waxaa Qoray, Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com