Xildhibaanada Qabyo oo Jawaari ku qalqaalinaya in uusan hortagin baarlamaanka

Kadib markii shalay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka uu muddeeyay Xilliga rasmi ah ee la qaadayo mooshinka ka yaala Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa bilawday guux badan oo ku aadan sida Guddoomiye Jawaari uga badbaadi karo Mooshinkaas.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ku aragtida ah Guddoomiye Jawaari ayaa rajo xumo ka muujiyay mustaqalka Guddoomiyaha mooshinka laga keenay, waxa ayna u sheegeen in xaalku uu adkaan karo oo ay macquul tahay in uu codka kalsoonida waayo Jawaari marka uu Sabtiga hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan Mooshinka ayaa sheegaya in Xalay ay kulan Xasaasi ah yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Qabyo oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir waxaana wehlinayeen ilaa toban kale.

Xildhibaanada Qabyo ayaa horey Guddoomiye Jawaari ugu kalsooni galiyay in ay difaaci doonaan balse xalay Ajandaha ayaa kaas ka duwanaa, waxaana ay usoo jeediyeen in ka hadlo warbaahinta oo uu ka hor yimaado in uu Baarlamaanka hortago 31 March, waxa ayna u caddeeyeen haddii uu go’aankaas qaadan waayo in aysan difaac u noqon Karin oo uu Xilkiisa wayn doono.

Guddoomiye Jawaari hadda waxaa u banaan in uu u hoggaansamo sharciga oo uu Sabtiga soo xaadiro iyo in uu ka hor yimaado oo uu qaato talada Xildhibaanada Xalay u tagay siiyeen, waxaana isha lagu hayaa kulanka afar Maalin kadib qabsoomi doona.

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho kusoo qulqalayay Xildhibaano badan oo fasax uga maqnaa dalka kuwaas oo doonaya in ay ka qeybgalaan kulanka Baarlamaanka ee 31 Marso ee lagu qaadi doono Mooshinka in kabadan 100 Xildhibaan ay ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka.