25.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Xildhibaanada Galmudug oo go’aan ka qaatay wasiiradii uu Magacaabay Xaaf

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta meel mariyay Golaha Wasiirada uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ka dib markii la horgeeyay.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,Gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo inta badan Golaha Wasiirada oo u badan Golihii hore ee uu ka tegay Cabdi Kariin Xuseen guuleed.

Waxaa kulanka ku sugnaa 58 Xildhibaan  53 ka mid ah ayaa ansixisay 5 waa ay diiday, mana jirin cid ka aamustay, waxaana guddoonka baarlamaanka Galmudug uu ku dhawaaqay in ay ansax yihiin Golaha wasiirada Galmudug.

Ugu danbeyntii,madaxweyne Xaaf oo ka hadlay madasha lagu ansixiyay Golaha Wasiirada ayaa uga mahad celiyay go’aanka geesinimada leh ay qaateen Xildhibaanada.

- Advertisement -

Read more

Local News