Xildhibaanada beesha Saleebaan oo aan weli ka hadlin xasuuqii ka dhacay Bariire

Xildhibaan kasta oo ka tirsan dowladda Soomaaliya wuxuu booskaas ugu fadhiyaa Beeshiisa, waxaana waajib ku ah inuu ka hadlo dhibaatada loo geysto Beeshiisa iyo inuu u raadiyo xaqqa ay dowladda ku leeyihiin.

Haddaba Sida laga warqabo, Deegaanka Bariire waxaa ka dhacay Xasuuq weyn oo loo geystay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan 10 qof oo kasoo jeedo Beesha Habagidir.

Inta badan Xildhibaanada Beesha Habargidir waa ay ka hadleyn dhibaatada ka dhacday deegaanka Bariire, waxayna dowladda Soomaaliya ka codsadeyn in baaritaan lagu sameeyo arrintaas.

Sidoo kalana  inta badan xildhibaanada Habargidir way ka tacsiyeeyeen wixii dhacay, waxayna ku tilmaameyn inay aheyd Xasuuq, loona baahan yahay inay dowladda warcad kasoo saarto.

Midda lala yaabay ayaa ah inaysan weli Xildhibaanada Beesha Saleebaan wax war ah kasoo saarin arrintaas, waxaana la is waydiinayaa goorta iyo meesha ay Saleebaan uga baxday Habargidir, iyo haddi ay kaliya beeshaas Habargidir ka tirsan tahay marka dheef la qeybsanayo.

Saleebaan waxay baarlamaanka labada aqal ku leeyihiin ilaa afar Xildhibaan, 3 aqalka hoose iyo hal aqalka sare ah oo kala ah:

1) Abshir Axmed Bukhaari oo ka tirsan Aqalka Sare

2) Xildhibaan Abtidoon Yare

3) Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa

4) Xildhibaan Saabir Nuur Lugeey.

Weli lama arkin hal Xildhibaan oo arrintaan ka hadlay midaas oo caddeyn u ah inaysan dhammaantood matali karin Saleebaan iyo Habargidir.

Arrintaan ayaa la aamisan yahay inay sumcad darro iyo waji gabax u tahay Xildhibanaadaas, oo ay hadda cadaatay inay kaliya dantooda Xildhibaan u yihiin oo aysan matalin Habargidir.

W/D: Xuseen Saalax Muxudiin
Muxudiin11@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid