Xildhibaanada Galmudug oo kulankoodii u horeeyey ku doortay guddoomiye

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta magaalada Dhuusa-Mareeb ku yeeshay kulankoodii u horeeyay, kaasoo ay uga hadleen arrimo dhowr ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da’da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uu noqdo baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Xildhibaan Xalane ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii 7-aad ee waqtigii madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ayaa soo magacaabi doona guddi doorasho, kuwaasoo diyaarin doona qaabka ay noqoneyso doorashada Guddoomiyaha iyo Kuxigeenada baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa weli u socdo kulan xasaasi ah oo ajandihiisu yahay dhaarinta xildhibaanadii Shalay aan la dhaarin iyo magacaabista gudigga cusub ee doorashada Madaxda Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Guddiga la magacaabi doono ayaa ka kooban 15 xubnood oo ay kala qeybsan doonaan Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna oo markii horeba kala qeybsaday kuraasta Baarlamaanka Galmudug.

Sida wararka sheegayaan Ahlu Sunna ayaa guddigaas laga siiyey 6 xubnood halka 9-ka kale ay noqon doonaan Xildhibaanada ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka.

Caasimadda Galmudug waxaa durba ka bilowday ololaha loogu jiri kursiga Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo Xukuumadda ay dooneyso inay soo saarato Guddoomiye ay wadato.

Amniga guud ee magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ah doorashada madaxtinimo ee maamulka Galmudug.