Xog: Imisa xubnood ayaa Ahlu-Sunna laga siiyay guddiga doorashada madaxda Galmudug?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kulan xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa lagu qeybsaday xubnaha guddiga doorashada ee madaxda Galmudug, kuwaas oo ka koobnaan doona 15 xubnood sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Kulanka ayaa dhaxmaray saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna, guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug iyo saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mudadii uu kulanka socday uu ra’iisul wasaaraha telephone kula hadlayay dhinacyasii howshaas waday islamarkaana xaliyay doodo ka taagnaa guddiga.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona doorashada madaxweynaha, guddoonka baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaana lagu qeybsaday laba dhinac kuwaas oo kala ah.

Sida aan xogta ku helnay, Ahlu-Sunna waxaa laga siiyay 6 Xubnood oo ka imaan doona 20-kii Xildhibaan ee la siiyay iyo 9 xubnood oo laga soo dhax xuli doono xubnaha kale ee baarlamaanka oo ay soo xuleen odayaasha, waxaysu wararku sheegayaan in shaqsiyaad gaar ah la diyaariyay kuwaas oo maanta la shaacin doono wadartooda guud oo gaareysa 15 xubnood.

Doorashada Galmudug ayaa ku socoto si xowli ah waxaana durba soo baxaya cabashooyin badan oo ku saleysan dhinaca doorashada madaxweynaha iyo soo xulistii baarlamaanka.

Kuraasta qaar ee baarlamaanka Galmudug ayaa ilaa hadda waxaa ka taagan dood, waxaana dhiman oo aan ilaa hadda lagu dhawaaqin ilaa 6 kursi oo ay ka taagan tahay doodo kulul.

Lama oga sida ay ku dhamaan doonto doorashada Galmudug oo ka kulul kana saameen badan tii sanad ka hor ka dhacday Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.