Xildhibaanada Galmudug oo looga yeeray magaalada Dhuusamareeb (Ujeedka)

Cadaado (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Cali Gacal Caris, ayaa Xildhibaanada baarlamaanka maamulka ku wargaliyey inay gaaraan magaalada Dhusamareb ee Caasimada Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada u sheegay inuu jiro kulan muhiim ah oo la doonaayo in lagu dhameystiro howlaha horyaala.

Guddoomiye Cali Gacal Caris, ayaa Xildhibaanada u sheegay in kulanka koowaad ee ka dhacaaya magaalada Dhusamareb uu yahay mid ay siinayaan ahmiyad gaara, waxa uuna Xildhibaanada uga digay inay soo buuxin waayan kuraastooda banaan.

‘’Xildhibaan waliba oo ka tirsan baarlamaanka maamulka waxaan ku wargalinayaa inay soo xaadiraan Dhusamareb oo ka dhici doona kulan si gaara ahmiyad noogu leh, waxaanu rajeyneynaa in kulanka kadib aanu dhameystirno howlaha qabyada u ah maamulka’’

‘’Xildhibaanadu waxaan ka dalbanayaa inaysan faarujin kuraastooda maadaama uu jiro kulan muhiim ah oo aan looga maarmi doonin dhameystir’’

Sidoo kale, Guddoomiye Cali Gacal Caris, ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Xildhibaankii aan soo xaadirin kulanka la filaayo inuu ka qabsoomo magaalada Dhusamareb.

Dhinaca kale, Guddoomiye Cali Gacal Caris, ayaa shalay ka dagay Garoonka Ugaas Nuur ee Caasimada Galmudug, si uu uga qeybgalo kulanka dhacaaya.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com