Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey xabsi guri ku heysay Hanti dhowraha qaranka kadib markii uu diiday in ka qaadis ay ku sameeyeen golaha wasiirada sidoo kalana la amray inuu halkaas ku jiro inta laga dhameenayo kiiska ku aadan dilkii loo geystay Wasiirka Howlaha guud ee Xukuumadda Xasan Calo Kheyre.
Haddaba xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa muujinayo in Hanti dhowraha qaranka laga sii daayey xabsi gurigii uu ku jiray ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana lagu arkay isagoo ku sugan Hotel Jazeera oo ku yaal agagaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Arrintaan ayaa waxaa ka dambeeyey xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeedo Beesha Habargidir kuwaas oo Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ka codsaday in Nuur Faarax laga saaro xabsi guriga maadaama laga qaaday xilkii, ayna diyaar u yihiin in baaritaan ku aadan dilkii wasiirka lagu sameeyo.
Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa ka aqbalay xildhibaanada labada aqal, waxaana Hanti dhowrka loo ogolaado inuu aado Meesha uu rabo, wuxuuna dagay Hotel Jazeera.
Muddo laba berri ayuu Hanti dhowraha ku jiray xabsi gurigaas, wuxuuna markii ugu dambeysay ee uu saxaafadda la hadlay ku adkeystay inuusan aqbali xil ka qaadista lagu sameeyey, lamana ogo ilaa hadda fikirka uu ka qabo waraaqdii xil ka qaadista ee uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

