Xildhibaanada laga soo doortay Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo ay isku dhibaato heysato

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa si weyn bannaanka u yimid dhaqanka madaxda maamullada ee ku wajahan xildhibaanada cusub ee Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Waa dhaqan ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya, waa in xildhibaanada la heysto loona diido dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo madax-banaan.

Dadku markii ay arrintaan maqlaan waxaa durba kusoo dhacaysa Koonfur Galbeed, laakiin waxaa si ku talagal ah looga boodayaa Jubbaland iyo Puntland, halkaas oo ay xildhibaanada heysato dhibaato lamid ah midda heysata kuwa Koonfur Galbeed.

Farqi ma jiro marka laga reebo in kuwana uu ku dhegan yahay hoggaamiye muxaxafad ah, kuwa kalena ay ku dhagan yihiin hoggaamiyaal mucaarad ah.

Hadaba maxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay?

Labada hoggaamiye ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa soo fasaxay xildhibaanadooda, si ay shahaadada guddiga FIET u qaataan.

Intee ayey badankood joogeen oo laga soo fasaxay? Dabacan waa Garoowe iyo Kismaayo, balse markii ay shahaadooyinka qaateen maxaa dhacay?

Axmed Madoobe durba waa ceshtay intii badneyd xubnihiisii, dhowr xubnood oo uu aaminsan yahay in aysan kooxda Farmaajo iyo mucaaradka ka wadan karin ayaa ku hartay magaalada Muqdisho, kuwaas oo iyagana la filayo inay Kismaayo aadaan.

Xildhibaanada Jubbaland markaan la xiriirnay qaar oo aan waydiinay sababta loo waday oo Kismaayo loogu celiyey waxay isku difaaceen inuu jiro kulan wada-tashi ah.

Xildhibaanada kala ah Xasan Firinbi, Senator Fartaag iyo Xamza ayaa heysta xoogaa xorriyad ah oo dhaanta kuwa kale ee laga soo doortay Kismaayo.

Dhanka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni isaga waaba musharax, wuxuuna xildhibaanada ka ilaalinayaa mucaaradka iyo muxaafadka intaba, weliba kuwa cusub ayuu ilaalo gaar ah ka hayaa.

Xildhibaanadiisa inta badan waa uu ka qaaday magaalada Muqdisho markii ay shahaadooyinka qaateen, si lamid ah Jubbaland dhowr qof oo isaga shaqo gaar ah u heysa ayaa la xaqiijyey in la siiyey dhaq-dhaqaaq xadidan.

Dhanka Puntland waxaa jira Laba xilldhibaan oo ka madax banaan xildhibaanada uu Saciid Deni ilaalada ka hayo waana Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Cali Xoosh.

Halkaan waxaa ka cad in xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland inay isku dhibaato heysato.

Xildhibaanada Reer woqooyiga, kuwa Galmudug, kuwa Banaadiriga iyo kuwa laga soo doortay Hirshabelle iyagu kuma sugna xaaladaan oo Dadku badi ku micneeyeen xadgudubta matalaada.

Dhaqankaan dhawaangalka ah ayaa Bulsho badan ka yaabiyey, lama oga waxa ay doorashada ka tari karto in xildhibaanada la xareysto.

Dad ku dhow dhow madaxda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxay sheegayaan in madaxdaasi aaminsan tahay in haddii xildhibaanada helaan fursad ballaaran oo ay gorgorton ku geli karaan inay fududaan karto in aragtidooda la weeciyo oo ay gacantooda ka baxaan, taas oo doorashada u ridi karta jiho aan aheyn midda ay rabaan waa sida la sheegay inay madaxdaasi aaminsan tahay.

Haddaba waxa Dadweynaha badi is waydiinayaan sidee xildhibaan aan isagiiba madax banaaneyn u matali karaa Dad iyo deegaan una jiheyn karaa dowladnimada Soomaaliya?

Xildhibaanadaan qaar markii lala hadlo kuma qanacsana dhaqankaan socda, qaarkood waxay sheegi jireen inay ka baxsan doonaan gacanta hoggaamiyaha maamula Goboleedka markii shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanimada la siiyo, laakiin qaar iyagoo shahaadooyinkoodii heysta lagu yiri soo xarooda kadibna aqbalay.

Dhaqankaan ku cusub siyaasadda Soomaaliy ayaa ku biiraya dhaqamo ka fog dowladnimada casriga ah oo la adeegsaday Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

Xildhibaan la caburinayo Maanta oo fahmi la’ waxa uu isaga xaq u leeyahay lama ogo inuu Berrina fahmi karo waxa uu qaranka xaq ugu leeyahay ayey ku doodayaan Dadka ka faaloonayo dhaqankaan cusub.