Midowga Musharaxiinta oo jawaab culus ka bixiyey go’aankii Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayadoo maanta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat uu ku gacan seyray go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu dalka kaga ceyriyey Danjirihii Midowga Afrika ee Francisco Madeira, ayaa waxaa caawa arrintaas bayaan kasoo saaray golaha midowga musharaxiinta.

Ugu horeyn midowga musharaxiinta ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin go’aanka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki, kaas oo jawaab u ahaa go’aankii Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana lagu diiday ceyrinta Francisco Madeira.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku dooday in go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa mid aad looga taxadaray oo ka dhashay dib u eegis lagu sameeyey howlihii uu Soomaaliya u joogay Francisco Madeira, 8-dii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxay sheegeen in sii joogitaanka Danjire Madeira ee Soomaaliya uu khatar weyn ku yahay xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya doorashooyinka, maadaama uu si toos ah ula saftay garabka Madaxweyne Farmaajo oo mar kale musharax ah.

“Danjire Madeira marar badan ayaa looga digay ku dhex milanka siyaasadda gudaha. Waana ka dhega adeygay, xadgudubyada uu Madeira ku sameeyay maqaamkiisa diblomaasiyadeed waxaa ka mid ah inuu la saftay musharax gaar ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ay musharaxiintu u direen Midowga Afrika.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Sida uu dhigayo qodobka 97-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya golaha wasiirrada ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ah hay’adda ugu sareysa dhanka fulinta ee dowladda Soomaaliya. Ma jirto awood kale oo xafiiska Madaxweynaha uu ku jabi-karo go’aanka ka soo baxa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.”

Bayaankaan ayaa Guddoomiyaha Midowga Afrika lagu xasuusiyey in Madaxweynihii hore Farmaajo uu yahay musharax u taagan doorashada socota, taas oo sharci darro ka dhigaysa farogelinta siyaasadda arrimaha gudaha ee Francisco Madeira iyo taageeradiisa qaawan ee musharaxnimada Farmaajo oo ay ku macneeyeen mid aan la aqbali karin oo khatar ku ah hufnaanta doorashada.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale sheegay in sida ay aaminsan yihiin uusan hoggaanka Midowga Afrika ogoleyn faro-gelin lagu sameeyey mid ka mid ah dalalka ururka, iyagoo cudsi u diray guddoomiye Moussa Faki.

“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay si xushmad leh uga codsanayaan guddoomiye Moussa Faki inuu ka laabto war-murtiyeedkii uu ka soo saaray arrintan, isla markaana uu garwaaqsado go’aankii sharciga ahaa ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ilaalisay hufnaanta doorashada, kuna ceyrisay Amb. Madeira,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntii golaha midowga musharaxiinta ayaa guddoomiyaha Midowga Afrika ugu baaqay in Soomaaliya uu u soo magacaabo wakiil daacad ah oo wanaajin kara xiriirka Soomaaliya iyo ururka, kaas oo dhex-dhexaad ka noqon kara siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya.