Ciidanka Xoogga oo WAR kasoo saaray cabsida laga qabo qorshaha 12-ka April

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ee Soomaaliya Janaraal Cabaas Amiin Cali, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee u dabaaldegga sanad guurada 62-aad ee Militeriga Soomaaliya.

12-ka bishaan Abril ayuu 62-sano jirsanayaa ciidanka xoogga dalka oo la aas-aasay bishii Abriil ee sanadkii 1960-kii, balse mudooyinkii dambe waxaa jirtay hadal heynta afgembi la sheegay inuu qorsheynayo Farmaajo.

Taliye Cabaas ayaa sheegay in munaasabadaan ay khuseyso sanad guuradaas oo kaliya, isla markaana ka talis ahaan ay balan qaadayaan in qorshe kale aan lagu hoos qarin munaasabadooda.

“Waxaan cadaynaynaa oo aan umadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu u dabaaldegi rabo maalintiisa oo ah 12-ka Abriil,” ayuu yiri.

Jeneraal Cabaas ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan nahay dadkii dhiiggooda u huraayay dalka, ujeedo kale oo aan wadan karno ma jirto, in cadow aan la dagaallano, midka gudaha iyo kan dibadaba ayaa naloo aas-aasay oo naloo dhisay.”

Taliyaha ayaa sheegay inay soo gaareen wararka laga faafiyey ee tilmaamaya in militerigu uu maalintaas ku dhaqaaqi doono qorshe xukun militery ah, balse wuxuu fidinta wararkaas ku eedeeyey dad dano siyaasadeed leh.

Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga Cabaas ayaa sidoo kale ka warbixiyey diyaar garoowga xuska 12-ka Abriil, isagoo qof kasta oo ay xafladaas ku casuumeen ka codsaday inuu uga soo qeyb galo si kalsooni leh oo farxadooda uu la qeybsado.

Hoos ka daawo