Xildhibaanada mooshinka keenay oo shir jaraa’id oo xasaasi qabtay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) –  92 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanadan ayaa madaxweynaha ku eedeeyey “inuu ku kacay qiyaano-qaran, kuna xadgudbay dastuurka qaranka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxa uu ku xadgudbay qodobkaan isagoo heshiisyo iyo is-afgarad qarsoodi ah lasoo galay dowlado shisheeye oo sheegay in ay la saxiixdeen Soomaaliya heshiisyo lagula wareejinayo dekadaha Soomaaliya” ayaa lagu yiri hindisaha ay qoreen ee xil ka-qaadista.

Xildhibaanada gudbiyey mooshinka ayaa goordhow qabtay shir jaraa’id oo ay ku sheegayaan sababta ay u qaateen go’aankan.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee madaxweynaha