Daawo Video: Muudeey iyo Cawad oo ka hor-yimid mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Weli Ibraahim Mudueey iyo Mahad Cawad ayaa kasoo horjeestay mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labadan mas’uul oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in guddoomiyaha uu aqbalo mooshikan.

Muudey iyo Cawad ayaa sheegay in madaxweynaha aan laga keeni karin mooshin sababtuna ay tahay inaysan jirin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee go’aanka ka gaari lahayd in sharci ahaanshaha mooshinka.

“Waxaa muuqata in Mursal uu ku deg degay aqbalaadda mooshinkan, waxaana muuqata in uu xanaaqsanaa, mana naqaan waxa uu ka xanaaqsanaa, waxaan leenahay xanaaqa kasoo noqo” ayuu yiri Muudeey.

Mahad Cawad ayaa isna sheegay in Mursal ay u sheegeen in mooshikan uu yahay sharci-darro, oo uusan aqbalin, balse uu ka diiday kuna adkeystay aqbalaadda mooshinka.

Waxa ay sheegeen in dhibaatadii iyo qalalaasihii ka dhashaa arrintan uu mas’uuliyadeeda qaadi doono guddoomiye Mursal, maadaama uu qaatay go’aan jahwareer gelinaya dalka.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com